Ka warran hadday noloshu riyo tahay?

 Ka warran hadday noloshu riyo tahay? Haddi ay tahay wax aan jirin, haddii ay tahay wax aan xaqiiqo ahayn, oo aynaan arki karin, o aynaan taaban karin, inaynu dareenana haba sheegin. Maxaad samayn lahayd?


Waxaan isku dayi lahaa in aan sameysto adduun ii gaar ah. In aan Gacanta ku sameysto nolol dheer oo khayaal ka buuxo, waxaan isku dayi lahaa in aan safro maantadan safar dheer oo aan caqab lahayn, safar uu kabuuxo khayr inta uu shay khayr ku jiro oo kale, safar aan wax ka faa'ido mooye aan wax iga faa'idin
Adiga waxaan kuu sameysan lahaa sida abwaanku u sameeyo heesaha jacaylka, waxyaabo badan agtayda ayaan kugu bari lahaa, inta soo hadhana khayaalka ayaan kugu bari lahaa, waxaynu ku noolaan lahayn nolol bilaa shalayto ah, bilaa hilmaam ah, waxaynu ku noolaan lahayn waayo quruxbadan, quruxda ay leeyihiin waayo aan hore loo arag loona sheegin. Waxa aynu ku wada noolaan lahayn daqiiqado farxadeed oo aynaan weligeen hore u maqlin

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.