🛡 Suuqa doqonimadu maalmahan waa dareer

 🛡 Suuqa doqonimadu maalmahan waa dareer.


Hadii qof dadkii hore ahi iman lahaa waqtigan, ama mid waa hore dhintey lasoo xabaal toosin lahaa si uu arko waayaha maanta jooga waxa hubaal ah inuu isaga noqon lahaa qabrigiisa marka uu arko liidashada dadka waqtigan jooga.



Baraha bulshada waxa aad maalin walba ku arkaysaa wax ku yaab geliya, wax kaa xanaajiya, wax kaa cadhaysiiya iyo wax kasta oo aan dan kuu ahayn.


Waxaad arkaysaa nin mar walba ku matala maraan oo caan ku noqdey maraanimada, mid kale ayaa jira oo isna mar walba ku matala gabadh la qabo oo mar walba ninkeeda ay ka doodaan xuquuqda fuulitaanka (iska fahan), waxaad arkaysaa laba isqaba oo habeen iyo maalinba inala wadaaga noloshooda sidii oo aynu nahay riyo iyaga meel ugu xidhan oo kale, kuwaas hore iska dhaaf… waar xitaa doqonimadii ayaa maraysa in laba doqon la isu guuriyo si ay doqonimada ay mar walba inoola wadaagaan.


Mudane iyo Marwo intan ogow

Cidda waqtigiisa iyo noloshiisa la dilayaa waa adiga, dadkan waxa aad ka baran doontaa doqonimada, hanka hooseeya, aqoon xumada, xishood la’aanta, isla weynaanta aanay waxba ka hooseyn, waxa aad ka baran doontaa intaas iyo wax kasii liita, ugu yaraan doqonimadii iyo maraanimadii laga carari jiray iskala qabsan inta aad la joogto, waqtigaaga ha siin dadkan liita……. waa hadal qallafsan se waan odhanayaa……

   ❗️” dadkani waa sidii cayayaan aan waxna laga dheefayn noloshaadana kharibaaya ee iska buufi… haa buufi waa sida cayayaanka laga yeelee.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.