Khubaro Booliska UK ka tirsan oo baadhis ka furay Tahriibinta iyo Tacaddiyada uu sheegay Mo Farah (Hussein) in loo geystay;

 Khubaro Booliska UK ka tirsan oo baadhis ka furay Tahriibinta iyo Tacaddiyada uu sheegay Mo Farah (Hussein) in loo geystay; 


Orodyahanka caanka ah ee 39 jirka ah ee ku orda magaca dalka UK, asal ahaan se ka soo jeeda Somaliland Xuseen Cabdi Kaahin (Mo Farah) ayaa ku baahiyay BBC sheekadiisa dhabta ee la xidhiidha yaraantiisii, sidii uu ku soo galay dalka UK iyo qaabkii ay ula dhaqmeen qoyskii gacanta ku hayey. Waxa uu tilmaamay in qoyskaasi ay u geysteen tacadiyo iyo inay qaab adoonsi ah ula dhaqmi jireen. 



Khubaro ka tirsan booliska dalka UK ayaa bilaabay baadhitaan iyo qiimayn ay ku samaynayaa xogaha ilaa hadda laga hayo Xuseen Cabdi Kaahin iyo dhibta uu tilmaamay in loo geystay, sida uu baahiyay Wargeyska Telegraph.


Dhanka kale, lammaanaha Xuseen uu ku eedeeyay inay si sharcidaro ah ugu soo tahriibiyeen dalka UK iyagoo isticmaalay magac ilmo kale ayaa iyagana laga yaabaa in waraysiyo lagu bilaabo. Nimco Farah ayaa lagu sheegay gabadha iska dhigtay hooyada Xuseen Cabdi Kaahin wakhtigaas, gabadha oo Xuseen uu ku eedeeyay inay ku khasbi jirtay inuu gurigeeda uga shaqeeyo, carruurteeda ilaaliyo, isla markaana u diiday inuu waalidkii dib u arko. 


"Gabadha Nimco Farah xalay ma joogin gurigeedii oo dalka UK debadda ayay uga maqan tahay", ayuu nin qaraabadeeda sheegtay u sheegay warbaahinta Telegraph. Waxa uu intaas ku daray inay been tahay in Xuseen loo soo tahriibiyey si sharcidaro ah. Waxa se uu tilmaamay in marka Nimco ay soo noqoto ay go'aansan doonaan inay Nimco si furan ula hadasho warbaahinta iyo in kale.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.