Ma rabtaa Arsaaq kuu korodha? Sidan samee

 💰Ma rabtaa Arsaaq kuu korodha? Sidan samee


In badan ayeynu xooga saarnaa hababka kala duwan ee dakhliga loo korodhsado, hadii ay shaqo tahay, ama ganacsi bilaw ah, ama xirfado aad u madax -banaantahay, intaasiba iyada oo ay muhiim tahay, haddana waxa jira arrimo dadka intooda badan ka qarsoon, haddii aan si kale u dhigo waa tabo aanad ka helayn buugta Reeg Galbeedka. Arrimahaasina waa:-



1. Alle Ka cabsiga

Iska jir Macaasida iyo Dunuubta, ku dedaal in aad la timaado wax kasta oo lagu faray, hadii aad intaas aad samaysid waxa lagaa helay “TAQWA” oo ah Alle ka cabsi, iyadaana lagu helaay Faraj, Arsaaq aanad horey u filanayn, arrimahaaga oo kuu fududaada iyo barako kaaga timaada kor iyo hoosba

Arrintaas ka akhri Suuradaha AD-dalaaq, Acraaf, Al-Maa’idah.


2. Oogista Salaada

Salaada oo la oogaa waxa ay noqonaysaa tukashada waqtigeeda, u diyaar-garawga fiican ee salaada ka hor, inta salaada lagu jiro inaad Muujiso Is-dulleyn iyo Qushuuc taas ayaa ah Oogisteeda, ugu damabyna Ehelkaagana far in ay tukadaan.

Arrintaas ka akhri Suurada Daaha.


3. Bixinta Sadaqada

Bixi sadaqada sunnaha ah iyo Zakada waajibka ah intaba, ku bixi danta guud, sii dadkaaga baahan iyo kuwa qalaad intaba, geli masaajidada iyo meel kasta oo aad isleedahay waa looga baahanyahay, ugu dambeyn iska jir inaad yaraysato waxa aad bixinaysid, timir jeexeed naarta iska xigsiiya ayaa la inoo sheegay, ogowna wax kasta oo aad bixisaa Ilaahay ayaa kuu cawili doona.

Arrintaas ka akhri Suurada Saba.


4. Mahadnaqa Ilaahay badso

Shukrigu dhaqan joogta ah hakuu noqdo, Ilaahay mar walba ka mahad sheeko, ogowna in cidii Ilaahay mahadisaa loo badiyaa.

Arrintaas ka akhri Suurada Ibraahiim


5. Guurso

Guurso inta aad yartahay, guurso hadii aad weynaato, waar guurso xitaa hadii aad gabow tahay, guurku waa Raaxo, guurku waa koritaan, guurku waa Naxariis, hadii aad danyar tahayna Ilaahay ayaa ku qani yeeli.

Arrintaas ka akhri Suurada An-Nuur.


6. Istiqfaarta ogow

Intan hadii aad ogaato wax badan ayaa kuu hagaagi

Dambigu waa Aafo gubaysa arsaaqda, caqliga, cimriga iyo caafimaadka intaba, halka istiqfaartu ay tahay dawoda lagaga soo kaabto dunuubtii iyo xumaanihii kaa dhacay, waxa ay Istiqfaartu kuu horseedaysaa nolol fiican oo deggan.

Istiqfaarta joogtee, maalintii dheh boqol jeer, ka badi hadii aad karto- waad karaysaaye- ka yaree hadii aad rabto, se joogtee maalin kasta.

Arrintaas ka akhri Suurada Nuux

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.