Xikmado ku saabsan saaxiibtinimada:

 Xikmado ku saabsan saaxiibtinimada:

- [ ] Haddii aad heysato saaxiib kugu caawiya adeecidda Alle, hasii dayn.
- [ ] Saaxiibka dhabta ah wuxuu daneeyaa aakhiradaada wanaageedda.
- [ ] Saaxiibka wanaagsan waa kii qaladkaaga arka, oo talo ku siiya ku difaacana markaad maqan tahay.__Cali bin Abii Taalib (RC)
- [ ] Wax faa’iido ah malaha saaxiibtinimada qofka nacaska ah. Cadowga caaqilka ah ayaa mararka qaar ka fiican saaxiibka nacaska ah.__Imam Gazali
- [ ] Saaxiibtinimada waa shayga ugu adag in lagu sharxo adduunkan. Mana aha wax aad ku baraneyso iskuulka. Laakiin haddii aadan baran micnaha saaxiibtinimada, runtii waxba ma aadan baran.__Muhammad Ali
- [ ] Saaxiibka dhabta ah waa kan kuu yimaada marka adduunka intiisa kale kaa tagaan.__Walter Winchell
- [ ] Ha samaysan saaxiibo wadajirkooda aad deganaansho ku dareemayso ee sameyso saaxiibo kugu qasbi doonna inaad naftaada kor u qaado.__Thomas J.Watson
- [ ] Ha idaba socon laga yaabo inaanan ku hogaamin, ha i hor socon laga yaabee inaanan ku raacin. Keliya dhinaceyga soco oo noqo saaxiibkay.__Albert Camus
- [ ] Saaxiibtinimada maaha cidda aad taqaanay muddadii ugu dheerayd ee waa qofka noloshaada soo gala kuna dhaha, “adigaan kuu joogaa” oona caddeeyay inuu kuu joogo adiga.__Mohamed Amin
- [ ] Haddii ay jirto maalin aynaan wada joogin waxaa jira shay ay tahay inaad marwalba xusuusnaato. Waad ka geesisan tahay sidaad aminsan tahay, kana xoog badan tahay sidaad u muuqato, kana caqli badan tahay sidaad umaleyso. Laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah xitaa haddii aan kala maqannahay..marwalba wan kula joogi doonaa.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.