Toosi Qalbigaaga |Siina Share Garee Xikmadahan.

 Toosi Qalbigaaga |Siina Share Garee Xikmadahan.


💚Haddii qorshayaasha maalinkaaga midka ugu horreeya aanad ka dhigin inaad tukato salaadda subax, waxba ha isku daalin qorshayaasha inta soo hadhay. Waayo waxaadba lumisay bilowgii guusha🤌


💚Weligaa ha aaminin qof aan salaadda tukan, siduu rabbigii uga fogaaday ayuu adigana kaaga fogaanayaa! Ma shakibaa ku jira.


💚Inta aadan siyaado rabbigaa ka codsannin, miyaad weli ku shukri naqday inta uu ku siiyey? "Haddaad shukri naqdaan waan idiin siyaadin"!


💚Ma jirto geeri farxad leh! Marka laga reebo midka geeriyooda isaga oo rabbigiis raalli ka yahay mooyiye


💚Waxaan ka orodnaa kulaylka qorraxda innaga oo doonayna qaboojiye, ogowse aakhiro waxaad keliya hadhsan doontaa camalkaaga.


💚Ilaahaybaan ku dhaartee hadduu Rabbigaa khayr iyo faraj kula doono, xataa wuxuu wanaag iyo khayr kuugusoo raraa dhabarka cadawgaaga.


💚Badweynta denbiyada waxa ka badbaada kuwa fuushan doomaha istiqfaarta.


💚Midka isaga oo samooyinka dushooda ku sugan misana maqlaya dhawaqa qudhaanjada ku sugan ciidda hoosteeda. Miyaad u malaynaysaa inuusan ku ogayn? Maya.


***

Jazakallaah. Sii faafi qoraalkan baraarujinta ah. Mahadsanud.


Furaha Nolasha ✍

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.