Masjidka Cali Jimcaale waa Masjid cusub oo magaalada Muqdisho laga dhisay. Wuxuu ku yaallaa agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

 Masjidka Cali Jimcaale waa Masjid cusub oo magaalada Muqdisho laga dhisay. Wuxuu ku yaallaa agagaarka Garoonka Aadan Cadde.


Waxaa qarashkiisa bixiyay oo dhisay Ganacsadaha weyn ee Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, kaasoo Masjidka ugu magac daray Aabihiis Cali Jimcaale Allaha u naxariistee.


Masjidka waxa uu sidoo kale leeyahay qeyb waxbarasho oo jiif iyo cunto leh, iyo xataa Parking gawaarida la dhigan karo oo 2 dabaq ka kooban.



Waxaana la xarig jarayaa insha Allah oo Salaadda ugu horeysa la qorsheeyay in la tukado maalinta Ciidda,  

Waa Salaadda Ciidul Adxa ee maalmo yar naga xigto.

Xamar haddii aad joogtid ha moogaan maalintaas.


Masha Allah Sheekha Allaha xafido, Aabihiisna Alle SWT ha u naxariisto.


Facebookga Masjidkana waa kan, follow dheh si aad Muxaadarooyinka iyo howlaha lasoo geliyo ugala socotid.

https://www.facebook.com/masjidkacalijimcaale


Wacan wanaagsan

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.