Qofku ma C.V-giisaa? Mise qofka iyo C.V-giisu waa kala laba?

 Qofku ma C.V-giisaa? Mise qofka iyo C.V-giisu waa kala laba?


Caadiyan, dadku marka la waydiiyo inay is sharraxaan (is qeexaan) ama tusaale ahaan la dhaho " hebel/hebla waa kuma?" , waxaa uu qofku sheegaa dhowr waxyaabood oo ay kamid yihiin shaqadiisa, waxa uu bartay, masuuliyadda uu hayo iwm. 



Badanaa waxay dhacdaa marka warbaahinta la joogo ama munaasibadaha dadku ka hadlayaan. Sidoo kale isla su'aashan waxaa na waydiiya baraha bulshada, tusaale qaybta BIO-ga dadku waxa ay ku qoraan intaas aan soo sheegnay oo kale, si qofkii soo booqda Profile-ka ay ugu sheegaan qofka ay yihiin. 


Su'aal ayaan is waydiiyaa ah; qofka qeexiddiisa isaga ahaan iyo masuuliyadda uu hayo, aqoontiisa iwm, miyeysan laba kala ahayn? 


Haddaan si kale u dhigo, haddii la i dhaho " Ayaanle Gentle waa kuma? Bal isku keen sheeg? Ma waxaan sheegayaa Shaqada aan qabto, masuuliyadda aan hayo, cilmiga aan bartay, reerka aan ka dhashay iwm? Ma sidaas ayaan ku sheegay Ayaanle Gentle qofka uu yahay? 


Anigu is kama saarayo, oo markii la i waydiiyo intaas uun baan dhahaa sida dadka kale, lkn xoogaa way ii cuntami wayday, waxaana dareemayaa in aanan anigu ahayn C.V-gayga ee uu jiro Ayaanle ka duwan waxa uu bartay, shaqadiisa iyo masuuliyadda uu hayo. 


Waxaan u baahanahay qeexid kale oo middaas ka duwan oo aan kaga jawaabi karno "hebel/hebla waa kuma/tuma?" 


Jawaabta arrintan ma wado , ee su'aasha ciwaanka ah ayumbaa sharraxaaddeedii ila dheeraataye cafwan😅.


Adigu bal is qeex? Sidee isku sheegi lahayd adiga oo aan aqoontaada, shaqadaada, masuuliyaddaada, reerkaaga iyo waxaas nagula meeraysan? 😂


F.G. waa macquul inaan Post-gaan tiro laba illaa saddex sano kadib, waayo kuwo aan sanado ka hor qorayba iminka ayey wax basiida ila noqdeen oo aan tiray. 


Waa tii abwaanku lahaa : 

"Haddaan guga kuu kordhaa

Gabow mooyee ku tarin

Garaad iyo waayo-arag

Illeen wax ma dhaantid geed"

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.