Bal suureyso adigoo safar ah.......🔥

 🤔Bal suureyso adigoo safar 🚶‍♂️u socda ayaa waxaad soo gaartay meel uu ka taagan yahay boor ⚠️(tabeelle) ay ku qoran tahay (🚷 Waa khatar ee joogso, miinooyin ayaa meeshan ku Aasan!). si tartiib ah ayaad uga laaban laheyd meesha halista ah adiga oo u mahad celinaaya🙏 dadkii digniinta meesha ku qoray ee naftaada badbaadiyey, ma aadan dhihi laheyn xoriyaddeydii ayaa layga hor-is-taagay, waxaad u garwaaqsan laheyd in nabadgelyadaada laga fekeray.



Tusaalehaas waxaa lamid ah xuduudda Alle iyo waxyaabaha uu kaa xarimay, marka lagu leeyahay waxaas waa xaaraan ee ha u dhawaan, ha u maleynin in xoriyaddaada laguu diidan yahay ee waxaad u fahamtaa in naftaadu ku badbaadeyso🦺.


Ilaahay (SWT) wuxuu yiri: 

(وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ اللَّهِ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُ ۚ.)

Qofkii xuduudda Alle ka gudba naftiisa ayuu dulmiyey.


W/Q: Mustaf Awil Hassa


Share, comment 

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.