waan fahmi waayay muxuu ka waday?

 Nin caddaan ah ayaa dalxiiis u yimid wadan africa asagoo meel maraya ayaa nin meel fadhiya oo tuugsanaya ku yiri Magan Alle!

Ninkii caddaanka ahaa wuxuu yiri What?
Kii tuugsanayay wuxuu yiri mar kale Magan Alle
Caddaankii wuxuu yiri What? Intuu fahmi waayay ayuu ninkii sawir xasuus ah ka qaatay wuuna isaga tagay markuu waddankiisa ku laabtay wuxuu ahaa nin hantiile ah wuxuu wacay mid ay isku wadan ahaayen tuksadihi oo taksiile ah wuxuu yiri waddankiina ayaan tagay ninkaan ayaan la kulmay Magan Alle ayuu i lahaa waan fahmi waayay muxuu ka waday?
Kii taxsilaha ahaa wuxuu ku yidhi wuxuu lahaa ilaahay dartiisa igu caawi ,caddaankii ilin ayaa ka timid wuxuu yiri waa inaan ka farxiyaa miskiinkaas safaaradda ayuu tagay wuxuuna u geeyay malyan dollar ah wuxuuna siiyay sawirka miskiinka wuxuuna u sheegay magaalada u ku arkay iyo meesha u kula kulmay.
Safiirkii wuxuu is yidhi hal malyan oo dollar nin miskiin ah hadii la siiyo naxdin ayuu u dhimanayaa ee labo boqol oo kun oo dollar ayaa ku filan,asagiina wuxuu u diray duqa magaalada wuxuu ku yidhi miskiinkaas hala siiyo lacagtaas,duqa magaalada markuu arkay wuu yaabay 200kun o dolar nin miskiin ah waa ku badantahay ee 2kun dollar halo geeyo wuxuuna ugu dhiibay taliyah qaybtaas madaxa ka ah,taliyihii markay soo gaartay lacagtii iyo sawirkii wuxuu is yidhi nin miskiin ah 20$ uu ku qadeeyaaba ka badan muxuu ku falayaa 2kun oo dollar,20 dollar ayuu ugu dhiibay askari la shaqeynayay
Askarigii wuxuu u tagay ninkii miskiinka ahaa wuxuu ku yiri ma xasuusataa nin cadaan ah aad ku tiri magan Alle?
kii miskiinka intuu farxay ayuu yiri haa waan xasuustaa ee heee
Askariigii wuxuu yiri cadaankaas wuu ku fahmi waayay maalinkaas wuuna kusoo salaamayaa wuxuuna ku yiri Allaha inoo kaalmeeyo.
Waa dhibaatada na heysato anaga ka somali ahaan.
FG : Sheekadan sidan uma qorneyn wadanka magacisa xusnaa wana ka jaray
Xigaasho Awale Arts

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.