Khaasaro Ka Dhashay Duufaan Dhufatay Filibiin



Khaasaro Ka Dhashay Duufaan Dhufatay Filibiin

Golaha Qaran ee ka hortagga khataraha iyo ciribtirka masiibooyinka dabiiciga ah ee Filibiin ayaa ku dhawaaqay in tirada dhimashada duufaanta Meiji ee ku dhufatay dalkaasi ay gaartay 167 qof.

Warbixin uu goluhu soo saaray oo la daabacay maanta oo Sabti ah, ayaa lagu sheegay in duufaantu ay ku dhufatay 9 gobol oo Filibiin ah, oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.93 milyan oo qof, iaydoo 348.3 kun oo iyaga ka mid ahna loo daadgureeyay xarumo ku meel gaar ah, sidoo kale 32.9 kun oo qofna hore ayaa loogu daadgureeyay meelo ammaan ah.
Duufaanta ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 8 qof, halka 110 kalena weli la la’yahay,Tirada ugu badan ee dhibanayaasha ayaa ka dhacday degmooyinka Eastern Visayi,Weste visayi,Davao iyo degmada Visayi dhexe.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in duufaanta “Meiji” ay waxyeeleysay 10,3 kun oo guri,kooxda saadaasha hawada ayaa diiwaan geliyay 560 daadad ah iyo 89 dhul go’ ah Khasaaraha ka dhashay beeraha 5 gobol ayaa lagu qiyaasay 4.64 milyan oo dollar.

Duufaanta ayaa sidoo kale burburisay 240 waddo iyo 9 buundo.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.