Waxay tidhi hadii aan anigu.....

 "Waxay islahayd wuu ku koolkoolin kalgacalkana wuu ku taabsiin.Waxay islahayd kaligaa kugu daynmaayo laxoox dubisee wuu kula dubi.Waxay islahayd wuu ku kaalmayn kolkaad koobkiisa ukeenayso.Waxay islahayd wuu kuu wehel yeeli kolkaad Kali nimada kacabataayee. 

Waxay islahayd wuu kula haasaawi kolkaad guri yeelataanee. Waxay islahayd uur kolkaad yeelato wuu kula hiin raagiyee. Waxay islahayd kol hadaad hanad iyo hiba nura dhashaan hadafkiisaa adkaaniyee.

waxay islahayd ubadkooda wuu uhagar bixiyee waxay islahayd hantidaaduba waa hanaankiisa ood habaysaayee. Waxay tidhi adoo xaragoonayoo xaaji ina keenta hayuu xaq kuugu yeeliyee.


Waxay tidhi hadaan moodayo inaana xaroogan doonin xabsigaa maan galeen xilana umaan noqdeen nin xanaftiisu badantahayee xorbaan iska ahaan lahaa xaaskiisa maan noqdeen xanuuna maan arkeen.

Waxay tidhi waxaan islahaa ubadkuu xag walba kuula haynee miyaan islahaa da'a walba adaa kaligaa kurafaadi oo hooyo iyo aabo unoqoni isaguna magac uyaal buu ahaan. Waxaan islahaa habeenkii hurdadaad gashaa subixii unbaad kasoo kici adoo ubadkii aabohood kuhalaynayee miyaan ogaa inaan kaligay noqon aabo iyo hooyaba. Waxay tidhi hooyaday waan hubaa noloshaan kuhaminayay hooyadayba mayna soo helin hadana hankaygu ma wiiq minee waan u hanqal taagay inaan habkaas unoolaado.

Waxay tidhi hadii aan anigu hamigaa yeeshay iina hagaagi waayay halkaa kaga hadhi maayee wiilashaydaan u habayni hab dhaqankooda si'aan u hagaajiyo hal hami oo gabari leedahay qarniyada soo socdee.

Hadii aad maalin hamigaygoo kale lahayd si'aad u rumayso hamiga hablo badanoo soo socda uhag oo u hiili hal gabaroo hadhaw heli doonta halyeeygaad habaysay.

Hadalkan aan kor ku xusay wuxu igusoo dhacay kolkaan arkay hablo jooga qarnigan iyo hamigooda heerkuu gaarsiisnaa guurka hortii iyo xaalka ay arkeen markay guursadeen sida uu ukula fogyahay marka waan ogahay gabdhaha qaar oo qarnigan jooga sida ay ufikiraan ma dareemi karaa hablo hore iyo inamo horeba laakiin hadii gabaray hamigii aad lahayd adiga uu kaa xumaaday waxaan kaa codsanayaa inaad hablaha soo socda mustaqbalka hablahaaguna kamid yihiin ukoriso halyay sidii aad rabtay ugu hagar baxaya. run ahaantii aniga ayaan ahaan waxaan aaminsanahay nolosha aan rabno hadii aan haween nahay eebe kasokow inaan inagu gacanteena xardhan karno oo habkaan rabno usamaysan karno.

Marka hadii qaarkeen Ku guuldaraystaan inaan Heli wayno hamigeenii marka laga hadlayo xaga guurka iyo lamaanaha Labka ah ee aan lawadaagayno nolosha waxaan talo ahaan kusoo jeedinayaa inaynu awood uleenahay jiilka soo socda hablaha kabeerma hamigooda inaynu urumayno oo aan u korino halyay garanaya qiimaha habluhu kuleeyihin noloshiisa.

Akhriste waxaan rajaynayaa inaad wax uun hadalkayga kafa'iiday hadii aad lab tahay iyo hadii aad dhadig tahayba walaw aanba aad dhadiga ula hadlayo laakiin hadana adiga oo lab ahna way Ku khusaysaa oo waxaa laga yaabaa barito subixii inaad xaaskaaga laxooxda ladubto adoo kalgacayl tusaya  . Akhristeyashayda qaaliga ah aad baad umahadsantihiin runtii marwalba waxaad igudhiiri galisaan inaan maskaxdayda tuujiyo oo aan dhiiri galimahaygana idiinsoo gudbiyo hadana intii Iyo in kabadanba waan idinka filanayaa.

 Ayan Dhiiran


Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.