16 FAA'IDO OO LAGA HELO CABSIDA EEBE.☝️

 16 FAA'IDO OO LAGA HELO CABSIDA EEBE.☝️


1- Dadka ilaahey ka Cabsada waxaa loogu Bishaareeyey Khayr oo dhan.

( ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺁﻣَﻨُﻮﺍْ ﻭَﻛَﺎﻧُﻮﺍْ ﻳَﺘَّﻘُﻮﻥَ ﻟَﻬُﻢُ ﺍﻟْﺒُﺸْﺮَﻯ )


2- Dadka ilaahay ka Baqa wuu Kaalmaynayaa wuuna l Caawinayaa

( ﺇِﻥَّ ﺍﻟﻠّﻪَ ﻣَﻊَ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺍﺗَّﻘَﻮﺍْ ﻭَّﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﻫُﻢ ﻣُّﺤْﺴِﻨُﻮﻥَ )


3- Dadka ilaahay ka Baqa wuxuu ku Arsaaqayaa inay Cilmiga Fahmaan oo ku toosaan, ilaahayna wuu Toosinayaa.

( ﻳِﺎ ﺃَﻳُّﻬَﺎ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺁﻣَﻨُﻮﺍْ ﺇَﻥ ﺗَﺘَّﻘُﻮﺍْ ﺍﻟﻠّﻪَ ﻳَﺠْﻌَﻞ ﻟَّﻜُﻢْ ﻓُﺮْﻗَﺎﻧﺎً )


4- Dadka ilaahey ka Baqa wuxuu ka Tirtiraa Xumaantii ay sameeyeen.

( ﻭَﻣَﻦ ﻳَﺘَّﻖِ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻳُﻜَﻔِّﺮْ ﻋَﻨْﻪُ ﺳَﻴِّﺌَﺎﺗِﻪِ ﻭَﻳُﻌْﻈِﻢْ ﻟَﻪُ ﺃَﺟْﺮًﺍ )


5- Dadka ilaahey ka Baqa wuxuu u Sahlaa Arimahooda.

( ﻭَﻣَﻦ ﻳَﺘَّﻖِ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻳَﺠْﻌَﻞ ﻟَّﻪُ ﻣِﻦْ ﺃَﻣْﺮِﻩِ ﻳُﺴْﺮًﺍ )


6- Qofkii ilaahey ka Baqa way Liibaaneysaa Aduun & Aakhiraba.

( ﻭَﺍﺗَّﻘُﻮﺍْ ﺍﻟﻠّﻪَ ﻟَﻌَﻠَّﻜُﻢْ ﺗُﻔْﻠِﺤُﻮﻥَ )


7- Qofkii ilaahay ka Baqa wuxuu ka Feydayaa Dhibaatada iyo Kurbada.

( ﻭَﻣَﻦ ﻳَﺘَّﻖِ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻳَﺠْﻌَﻞ ﻟَّﻪُ ﻣَﺨْﺮَﺟًﺎ )


8- Qofkii ilaahay ka Baqa wuxuu ka Arsaaqaa meel uusan wax ka Filayn.

( ﻭَﻳَﺮْﺯُﻗْﻪُ ﻣِﻦْ ﺣَﻴْﺚُ ﻻ ﻳَﺤْﺘَﺴِﺐُ )


9- Qofkii ilaahey ka Baqa wuxuu ka Badbaadiyaa Cadaabta iyo Ciqaabta.

( ﺛُﻢَّ ﻧُﻨَﺠِّﻲ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺍﺗَّﻘَﻮﺍ )


10- Qofkii ilaahey ka Baqa wuxuu Helaa Sharaf iyo Fadli.

( ﺇِﻥَّ ﺃَﻛْﺮَﻣَﻜُﻢْ ﻋِﻨﺪَ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﺃَﺗْﻘَﺎﻛُﻢْ )


11- Qofkii ilaahey ka Baqa wuxuu ku Kaalmaynayaa Sareyn Dadka kale ay ka Sareeyaan Maalinta Qiyaamaha.

( ﻭَﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﺍﺗَّﻘَﻮﺍْ ﻓَﻮْﻗَﻬُﻢْ ﻳَﻮْﻡَ ﺍﻟْﻘِﻴَﺎﻣَﺔِ )


12- ilaahey wuxuu jecel yahay kuwa idiinku Cabsida badan.

( ﺇِﻥَّ ﺍﻟﻠّﻪَ ﻳُﺤِﺐُّ ﺍﻟْﻤُﺘَّﻘِﻴﻦَ )


13- Qofkii ilaahey ka Baqa wuxuu u Saafi uga dhigaa Quluubta.

( ﻓَﺈِﻧَّﻬَﺎ ﻣِﻦ ﺗَﻘْﻮَﻯ ﺍﻟْﻘُﻠُﻮﺏِ )


14- Qof aan ilaahey ka Baqin waxba kama Aqbalo.

( ﺇِﻧَّﻤَﺎ ﻳَﺘَﻘَﺒَّﻞُ ﺍﻟﻠّﻪُ ﻣِﻦَ ﺍﻟْﻤُﺘَّﻘِﻴﻦَ )


15- Qofkii ilaahay ka Baqa Maalinta Qiyaame Dhibkeeda Aamin ayuu ka yahay.

( ﺇِﻥَّ ﺍﻟْﻤُﺘَّﻘِﻴﻦَ ﻓِﻲ ﻣَﻘَﺎﻡٍ ﺃَﻣِﻴﻦٍ )


16- Kuwa ilaahey ka Baqa waxey helayaan Liibaanta iyo Nicmada Rabbi.


( ﺇِﻥَّ ﺍﻟْﻤُﺘَّﻘِﻴﻦَ ﻓِﻲ ﺟَﻨَّﺎﺕٍ ﻭَﻋُﻴُﻮﻥٍ )


(Allow Cabsidaada Qalbigeena Ku Beer ) .


#Faafi Wax La Faafiyo Khayrkaa Ooguu Fiicanee ,

Xasuusintu Waa Wax Qalbiyada Dadka Uwanaagsan ..🙏🙏👈


Furaha Nolasha ✍

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.