Nolasha dhamaystiran waa inaad

 ┄┉❈❀💞❀❈┉┄

Maqaal dhiira gelin ah 


•Nolasha dhamaystiran waa inaad dhalanyaranimadada ku bixiso yididiilo iyo han sare, waqtiga dhexdhexaadka tahayna ku bixiso halgan iyo ka miro  dhalin, iyo rajo wanagsan. 


•Ku canaano nafsadaada ka gaabin, qof kalana haku canaanan waayo ceebahaaga hagaajintoda ayaa  waqtiga kugu buuxsamay, waqtina uma haysid inaad  ku mashquusho ceebaha dadka kale. 


•Asxaabta waxaa ugu wanaagsan kan aad ku kalsoon  tahay culaysyada kusoo fodsaarana kula qaata,  kulana qaybsada dhibta iyo dheefta, aanan faafinayn sirahaaga. 


•Inaad ilowdo waxyaalaha la nacayo waa nicmo,  

inaad xasuusatana nicmadana waa wanaag, inaad 

mooge ka ahaato ceebaha dadka kale waa fadli.

 


•Cafinta waxay ka macdahay aar-goosashada,  

shaqadana waxay ka raaxo badan tahay  

firaaqada,qanaacadana waxay ka weyn tahay  

maalka,caafimaadkana wuxuu ka wanaagsan yahay maalka !

                                  

       Furaha Nolasha ✍

       ┄┉❈❀💞❀❈┉┄

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.