#kulanti wacan bulshayahay

 #kulanti wacan bulshayahay

1. Noloshu waa sida webi..oo kale,!! .laba jeer ma taaban kartid biyo isku mid ah,waayo biyihii qulqulaayay ee mar soo mara aktaada dib uma soo noqdaan...!!
-Ku raaxayso daqiiqad kasta oo nolosha ah, adigoo raaligalinaya mawlihii ku uumay, qof kasta oo bini'aadam ah ,ogow wuxuu noqon doonaa maalin uun xusuus.oo kaliya.
2. Si aad u guulaysato, hamigaaga guushu waa inuu ka weynaadaa cabsida aad ka qabto guul darrada .
3. Isku daygaaga ah inaad ka takhalusto Xumaanta ayaa ah caddaynta ugu weyn ee wanaaggaaga.ــ
4. Haddii aad naftaada u ilaalilahayd oo aad ula socoto, sida aad dadka u Ilaaliso una eegto wax qabad kooda, waxaad gaadhi lahayd, wax ka badan inta ay gaadheen, Waqtiga aad ku bixineyso ilaalinta dadka ku bixi naftaada oo wax ugu qabo.
5. Dadka ha siin wax ka badan xuquuqdooda, sababtoo ah ubaxu wuxuu u dhintaa biyo badan ..!!
6. Nolosha: waxay ku baraysaa jacaylka, qalbigaaduna wuxuu ku barayaa qofka aad jeceshahay,
Xaaladuhuna waxay ku barayaan qofka ku jecel.,
7. U naxariiso qof kasta, qof kasta oo aad la kulanto wuxuu la dagaallamayaa dagaal nolosha ah oo aadan waxba ka ogeyn.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.