Maxaa la qabtaa xilliga nasashada?

 Maxaa la qabtaa xilliga nasashada?

_____________________________________
Wax baad akhri isyidhi, waxaa aad aragtay in aanu wax midho dhala lahayn.! Hawl ayaad qabanaysaa, waad dhaqaajin kari laadahay. Hammigaagii wuu hirgeli laayahay. Waddo aad ka baxdo ba waad laadahay. Intaa iyo in ka badan, waxaa ay ku dhacdaa qofka, marka aanu helin ammin nasasho oo habboon.! Waxaa la ga yaabaa adiga oo hawl gacanta ku haya aad dareento daal. Waxaa naftaada kula talisay inay qaadato Saacad badhkeed (30 minutes) oo nashasho ah.


Haddaba, waxaa aad ogaataa in dad badani moog yihiin, waxaa la qabto ammintaa nasashada loogu talo galay. Qaar ayaa qabta wax qaldan. Waxaa ka mid ah: kuwo wax akhriya . Qaar wax daawada, iyaga oo ku mashquulaya moobaylkooda. Dabadeed, waxaa ay ku laabtaan hashoodii muhiimka ahayd ee ay hayeen. Waxaa ay arkaan iyaga oo aan waxba qaban karayn, farna aan dhaqaajinayn. Waxaa ay iswaddiiyaan: "maxaa aan wax u qaban kari laayahay? Maxaan firfircooi u dareemi laayahay? Sownigii nasasho soo qaatay?
Waxaa ay ismoodayaan in ay soo nasteen, laakiin xaqiiqdii nasasho may soo qaadan.! Waxaa ay soo korodhsadeen daal. Waxaa ay isasaareen culays, waayo xilligii loo qoondeeyay in naftoodu degganaan soo hesho, ayay shaqo kale dulsaareen. Sidaa awgeed, waligaa goorta nasashada, waxba ha qaban, si naftaadu u daal goosato, uguna soo noqoto iyada oo faraxsan oo daggan.
Waxyaabaha aad qaban karto xilliga nasashada, waxaa ka mid ah:
1. Waxaa aad iska dhagaysan kartaa Qur'aanka kariimka ah; waxaa aad dareemi dagganaan iyo raaxo.
2. Qolkaaga ama xafiiskaaga ayaad luglugayn kartaa.
3. Jimicsi yar oo fuduy, daalna aan lahayn ayaad samayn kartaa.
4. Qof ayaad iskala sheekaysan kartaa, sheeko aan buuq iyo murantoona lahayn oo deggan.
Marka aad intaa kor aan ku soo sheegnay wada samaysid ama qaar ka mid ah, waxaa aad hawshahaada ku laabban adiga oo yididdiilo qaba. Waxaa aad u dhammayn si wanaagsan. Mar walba waxaa aad heli midho anfac leh. Waxaa laga yaabi awoodda gudahaaga ku kaydsan.! Wax soo saarkaaga ayay dadku wada majiirran.
Ugu dambeyntii, waxaa aan kugula talinayaa in aad Iska jirto xilliga nasashada inaad culays saarto naftaada, waayo adoo maskaxda ka daalan ayaad doonaysaa inaad haddana wax qabatid; habarteed bay ka tahay, inaad irbad dun galinayn.!
W/Q Maxamed Haybe Axmed.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.