Inta Badan Dadkeenu Marka Ay Qof Tahniyad/Hambalyo U Dirayaan

 Inta Badan Dadkeenu Marka Ay Qof Tahniyad/Hambalyo U Dirayaan Waxa Aynu Isticmaalnaa Kalmado Af-Carabi Ah, Waxaana Ka Mida Kalmada "Mabruuk" Hadaba Kalmadan Marka Aynu Carabi Ahaan U Macnayno Waxa Ay Noqonaysaa Habaar, Walow Hadalka Intiisa Saamaynta Yeelanaysa Ee Uu Xukunku Ku Xidhmayaa Ay Noqonayso Waxa Niyada Qofka Ku Jira Sida Ay Qaacidadu Sheegayso

" مقاصد اللفظ على نية اللافظ "
"Ujeedka Ku Dhawaaqida Kalmadu Waxa Uu Ku Sugnaadey Ku Dhawaaqaha Kalmada Niyadiisa"
Iyada Oo Ay Taasi Jirto Oo Uu Xukunku Niyada Ku Xidhmayo Hadana Qofku Waa Muhiim Hadalkiisa Macnihiisa Inuj Barto, Ee Aanay ka Noqon Uun "Dadka Oo Iskugu Tahniyadeyna Ayaan Maqlay Anna Waan Ugu Tahniyadeeyey"
Kalmada Macnaheedu Waxa Weeyaan "Awr Kugu Fadhiisey"
Hadaba Qofka Markaad Ku Tidhaahdo "Alfa Mabruuk " Miyaad U Ducaysey Mise Waxaad Ku habaartay Kun Awr Kugu Fadhiisey?.
Kalmadani Hadii Ay Sidaas Noqotay Macnaheedu Waa in Aynu Badalkeeda Sheegnaa Waayo Inaad Shay Diido Waxna Aanad Ku Badalin Waxa Ay Cadaynaysaa Inaanad Waxba Soo Wadin Doonaynna!.
Sida Uu Abwaan Gaariye AUh Yidhi:
"Nin Wax Diidey Oo Wadin
Wax Kaluu ka doorbidey
Wuxuu Doonayaan jirin"
Kalmadan mabruuk Waxa Aynu Booskeeda Galinaynaa kalmada "Mubaarak" Ama "Baarakallaahu", Maxaa Yeelay Labadan kalmadooda Macnahoodu Waa Duco Halka Ay Midii Hore Habaarka ka ahayd.
Iyada Oo Gabay laguugu Uruuriyey Waa tan.
" ولا تقل مهنئا مبروك * فذاك في لساننا متروك
[ Ha Odhanin Adigoo Tahniyadeynaya "Mabruuk", Maxaa Yeelay sidaasi Luuqada Carabida Looma Isticmaalo Oo Waa Mid Laga tagay]
لأن معناه بعير قد برك * عليك كدنا بعده أن نقبرك
] Maxaa yeelay Macnaha Kalmada Mabruuk Waxa Weeyaan Awr kugu Fadhiisey (Habaar) Ka Dibna Waxaan sigaynaa Hadii Habaarkii Kugu Dhaco Inaanu qabri Ku Galino (Yacnii Aad Dhimato).
وإنما الصحيح أن يقالا * مبارك على الفتى ما نالا
[ Sida Saxiixa Ahi Waxa Weeyaan In La Yidhaahdo "Mubaarak" (Khayrkiisu Ha bato/Duco) Qofka Darajadaasi Uu Gaadhey.]
أو بارك الله له فيما وهب * كلاهما قد صح من قول العرب"
]Ama In la Yidhaahdo Ilaahay ha U Barakeeyo Waxaas Uu U Hibeeyey, Labadan Kalmadood Ee ah "Mubaarak & Baarakallaahu" Waa laba Luuqada Carabida Ku sugan Oo Carab Laga Soo Gaadhey"
Mahadsanid Sidaad Hal Minute Oo Wakhtigaaga Ka Mida Aad Iigu Sharaftay.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.