Saaxiibtinimada.

 Saaxiibtinimada.

Labo wiil ayaa waxay soo wada galeen safar waxay kasoo safreen tusaalee ahaan jigjiga waxayna usafrayeen( Mogadishu somalia)
Labada wiil mid kamida ayaa wuxuu haystay lacag aad u badan kana badan safarkiisa, halka saaxiibkiis uu watay kaliya lacagta safarka iyo lacagta uu hotel ka ku degi lahaa. Markay soo safreen oo ay waddankii imaadeen ayaa waxay wada dageen Hal hotel oo ku yaalay magaalada, wiilkii haystay lacagta yar ayaa yiri" zxp ma haysto lacag aan hotel ka cunto kaga gatto marka adiga caawa cash yar ii Yara keen.
Wuu u keenay quraacda qadada iyo cashadaba isaga ayaa ka bixinaayay, waxay ahaayeen kuwo aad iskugu faraxsan, maalin maalmaha kamida ayaa wiilkii lacagta badan haystay wuxuu waayay lacag 50 dollar oo jeebkiisa ku jirtay kadib ayuu u yimid zaaxiibkiis wuxuu ku yiri" zxp lacag $50 ahbaan waayay ee ma aragtay.? Kadib ayuu ugu jawaabay haa aniga ayaa qaatay sxb waxaan u baahnaa adeeg yar marka aniga ayaa kuu gudaya insha allah. Haye buu ku yiri.
Subixii ayaa qolka waxaa soo galay mid kamida shaqaalaha hotelka wuxuu u yimid wiilashii wuxuuna ku yiri" dhalinyaro lacag $50 ah Baan dhulka ka qaaday shalay markaan qolka xaaqayay marka anigaa meel amaano ah idiin dhigay.!!
Wiilkii ayaa wuxuu fiiriyay saaxiibkiis isagoo aad ula yaaban wuxuu ku yiri sxb soo adigii igu dhahay aniga ayaa qaatay maxaa kugu kallifay beenta intaas la'eg.?
Wuxuu ugu jawaabay" waxaan diidanaa shakiga waayo qolka labadeena oo kaliya ayaa wada dagan haddaan ku oran lahaa ma arag waad iga shakin lahayd ma doonayo inaan waayo wax ka badan saaxiibtinimadaada, markaan ku iri anaa qaaday waana kuu gudayaa waad qanacday balse haddaan oran lahaa ma arag waad shakin lahayd oo tuug baad ii maleyn lahayd.
Full history.
Maxaa kaaga baxay adiga ahaan.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.