⚖Qawaaniin nolosha ah oo layaab leh😯

 

⚖Qawaaniin nolosha ah oo layaab leh😯
🙈Lama filaanka.. marka aad alaab rabto inaad qariso, si aan qof ku yaqaano kuu arkin..si lama filaan ah ayey dad badan oo ku yaqaanaa kaaga soo hor baxayaan meel walba!
🔑Furayaasha... Marka aad fureyaal isku eg wadatid ee aad damacdo inaad albaab ama quful ku furto..furaha rasmiga ah ee aad u baahan tahay wuxuu noqon doonaa kan ugu dambeeya ee aad tijaabiso!!




🔍baadi-goobka.... marka aad ubaahato shey aad guriga ku ogeyd sida (qalin,saacad iwm) ma heli doontid oo waqti badan ayuu raadiskiisu kaa qaadan doonaa , isagoo marar badan aad guriga ku dhex arki jirtay adigoo aan u baahnayn. Markaad u baahato ayuu isna kaa dhuuman doonaa!!
🚻Safka...Marka saf aad ku jirtay aad ka baxdo oo aad safkale ku biirto adigoo is leh safkan ayaa ka degdeg iyo dhaqsa badan...ogow in safkii aad ka soo baxday uu ka hor degdegi doono safka aad ku soo biirtay!!
🥙🍛Cuntada... haddii aad maqaayad ka soo iibsato xabbad shaawarma ah, marka aad guriga timaado ee aad xabaddii shaawarma aheyd cunto kuguma filnaan doonto oo weli gaajadii ayaad sii dareemeysaa... balse haddii aad laba xabbo oo shaawarma ah aad soo iibsato midda koowaad marka aad cunto ayaad dhergi doontaa!!..

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.