SOOYAALKA MACALIN SICIID SAALAX AXMED

 SOOYAALKA MACALIN SICIID SAALAX AXMED

Inbadan ayaad maqashay heesta Alif la kordhabay ee maxaad ka taqaanaa curiyahedii siciid saalax Axmed
Macalin Siciid Saalax Axmed oo macalin ahaa 60 sanno iyo dheeraad waxa uu ku dhashay Samo-wacad oo ka tirsan degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag 8 march baa 1945. Waxa uu waxabarashadii malcaamad Qur'aan iyo dugsi hooseba ka biilabay oo kuqaatay degmada Laas-qoray ,isagoo dugsigii dhexe ku qaatay dugsigii Dayaxa ,halka uu kii sarena ku qaatay dugsigii Cammuud. Isagoo intaa kadib u wareegay Xamar halkaas oo ku galay kuuliyaddii Lafoole ee Jaamacadda umadda somaaliyeed ,waxa aanu ka qalin jebiyay 1968 isagoo bartay cilmiga Bay'ooligi iyo Kimiatari.waxa uu sidoo kale cilmiga barashada noolaha ka bartay jaamacadda Saint Tomas ee dalka maraykanka.

Siciid waxa uu barre kasoo noqday dugsiyo kala duwan ,oo ay kamid ahaayeen dugsigii farsamada gacanta ee Hargaysa,Dugsigii Cadaadley, Burco Boys ,Dugsigii Beer ,Dugsigii Axmed guray .Intaas kadib waxa uu Maamule ka noqday dugsigii sare ee Banaadir ,hadana waxa uu maamule ka noqday dusigii horumarinta macalimiinta ee muqdisho.Waxa uu Barre ka noqday Kuuliyaddii Lafoole . Inataas kadib Siciid waxa uu xubin ka noqday wasaaradii waxbarashadada ee somaliya isagoo agaasime ka ahaa kooxdii Iftin ee wasaarada waxbarashadada. Saciid waxa uu sameeyay riwaayado kala duwan oo ay ka mid yihiin
□ Aqoon iyo afgarad oo Hadraawi,Gaariye iyo Muuse Cismaan ku midaynaayee.
□If tiinka Aqoonta
□ Goobo iyo gaashaa
□ Warjiraaba cakaaru iman
Siciid sidoo kale waxa uu sameeyay heeso iyo maansooyin kala duwan waxaan ka mid ah
□ Heesta Alif la kordhabay
□ Waxay xiirtay timihii
□ Haleelo
□ Hooyo aan la ogayn 'Umuliso"
□ Geeddi caano leh
□ Garsoor oo kugaba qayb galay silsiladdii Siinleey.
□ maya mash xarad
Lasoco qaybta 2aad
Cali ismaacil xasan
12- 3-2022 Burco

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.