Waxaa jiray nin sheekh saalixa ahaa oo deris la ahaa nin yuhuudi ah............

 "Uma maleynayo inaad ku salin doontid nebigaaga maanta kadib. Qiso yaab badan"

Waxaa jiray nin sheekh saalixa ahaa oo deris la ahaa nin yuhuudi ah, inta badana way wada fadhiisan jireen, ninkii wanaagsanaa markuu rabo inuu wax qabto wuxuu ku salin jiray nabiga ﷺ Wuxuna raacin jiray hawshu ii hagaagi mayso aniga oon ku saliyin nabiga scw Ereygan kama uusan tagin jirin hadalkii sana lagama dhex wayo taas oo ka yaabisay Yuhuudigii, wuxuu weydiiyay waxa aad ka faa’iidayso saliga nebigaaga eed ku cel celyso
Wuxuu yidhi ninkii saalixa ahaa saliga nabigu scw wuxuu igaga filanyahay inana murugodo
Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa aad uga xumaday dedna wuxuu damacay inuu khayaano oo uu ku jees-jeeso diinta islaamka .Wuxuu uyimid ninkii saalixa ahaa wuxuna ku yidhi niyow hoo fargashigan ii sii hay wan safrayaaye inta aan safarka ka soo noqonayo. Ninkii wuu ka aqbalay laakiin sidii cadada uhayd wuxuu ku saliyay nabiga scw wuxuuna sii raaciyay hawla iima dhamato anoon ku saliyin nabiga scw Wuuna ka qaday fargashigi Far gashigu waa luul qali ah niciisana lamana helo oo dunidaba laguma ogayn meel uu yaalo..
Ninkii saalixa ahaa ayaa gurigisii so dhigay fargashigii wuuna iskaga tagay gurigii waxaa udaba maray gurigiisii ninkii Yuhuudiga aha wuxu soo kala qufay uu baadhay gurigii ninkii saalixa ahaa wuxuna soo helay fargashigi uu udhiibay wuuna xaday fargashigii ayuu la tagay wuxuu raacay doon marku bada badhtankeeda marayo ayuu Ku tuuray fargashigii bada,. kadib markii u safarkii soo dhamaystay wuu so noqday Yuhudigii Wuxuu utagay ninkii saalixa ahaa isaga oo shaqa ka soo noqday ayuu la kulmay wuxuna ku yihi isii fargashigii aan kuu dhiibtay ninkii saalixa aha ayaa yidhi markaan ku saliyo nabiga wan kusiin wuxuna kusliyay nabiga scw
Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa ku yidhi niyow anigu hada ayaan ubaahanahay fargashigii.
Wuxu yidhi ninkii saalixa ahaa .."Maanta, anigoo ku salinyaya nabiga scw Ilahay wuxuu ii dhibyareyay inaan qabsado kalluun aad weyn. Ilaah baan ku dhaartaye, ku siin maayo faraantigaaga inaad maanta nala qadayso mooyee." Dood badan kadib ninkii Yuhudiga ahaa wuxuu ogaladay inuu la qadeyo.
Ninkii saalixa ahaa wuxuu kalluunkii udhiibay xaaskiisii si ay ugu ka riso kalluunka. Isaga oo la fadhiya Yuhuudigii ayaa ninkii saalixa ahaa waxaa udhawaqday xaaskiisii si uu u arko waxa ay ka heshay caloosha kalluunka .
Markuu arkay farantiga wuu yaabay wajigisina wuu isbadalay , ninkii saalixa ahaa wuxuu hosta ma yidhi: "Illaah baan ku dhaartaye farantigani waa kii Yuhuudiga." Markaasuu aaday meeshii uu dhigay fargashiga oo ah meeshuu ku xaseyay wuuna ka waayay, wuu
Walwalay ninkii salixa ahaa wuuna yaabay
.. Yuhuudigii ayaa ku yidhi: "Muxuu wajigaagu isla beddelay ?hadaadan i siinin faraantigayga waxaan kugu ceebayn yuhuudda iyo
muslimiinta hortoda Tuugnimadadana"
Ninkii saalixa ahaa wuxuu yidhi: "Baahiyaha
lama fulin maayo inaan kusaliyo Nabiga scw mooyee." Yuhuudigii wuxuu yidhi: intuu qoslay
"Uma maleynayo inaad ku salin doontid nebigaaga maanta kadib. Haddii aadan i siinin faraantigayga, waxaanan ceebayn doonaa akhlaaqda muslimiinta aad isku diinta-tihiin, waxaadna noqon doontaa tusaale aan muslimiinta akhlaaq xumidooda tugnimadoda
Markasta Aanu usoo qaadano adigua.."
Ninkii saalixa ahaaayaa yidhi "Illaah baan ku dhaartaye, kama walwalsani faraantigaaga, laakiin wax kale ayaa i wareeriyay. Oon ka walwalay ee hoo qaado faraantigagii"
Waxaa madoobaday oo isbadalay wajigi ninkii Yuhuudiga ahaa wuu gariiray wuna argagaxay
Insagoo fargashiga eegaya arkana inay tiisii tahay waa fargashigaygi ayuu ku cel celyay.
Ninkii saalixa ahaa muuna kuqaylyine intuu usoo dhawayd ayuu ku yidhi "maxaa kugu dhacay ood isla badashay lana argagaxday"?
Yuhuudigii ayaa ku yidhi:
Ilaahagaan ku dhaartaye, xageed ka keentay
Fargashiga Ninkii saalixa ahaa wuxuu yidhi: "caqligaagu Miyaanu caadi ahayn miyaad ilowday miyaadan igu amaanaysanin fargashiga inta aad kasoo noqon safarkaaga inaan kuusii hayo" ?
Yuhuudigii wuxuu yidhi:
"Waxaan ku gu dhaaryay ilahaagee xageed ka heshay fargashiga?"
Ninkii saalixa ahaa wuxuu yidhi:
"Waxaan ka helay caloosha kalluunka." Yuhuudihii wuu naxay wuuna suuxay.Markii uu soo miyirsaday, ayuu Yuhuudigii ninkii saalixa ahaa u sheegay wuxuu sameeyey iyo sababta ku faliftay inuu saa ukhayaano jaarkiisa
Ninkii saalixa ahaa wuxuu yidhi:
"Waad awoodday, inaad xeeladsamyso, inaad xadid faraantiga oo aad ku tuurto badda.
Ilaahaynna wuxuu awooday inuu faraantiga inuu kuu soo Rido caloosha kalluunka aan qabtay Miyanaan kuu sheegin inaana baahidaada waxba ka qabn karin inaan kusaliyo nabiga scw moyee?
.." Yuhuudigii wuxuu yidhi: - Waan rumaysatay hadalkaagii , waxaanan markhaati u ahay inaan Ilaah mooyaane Ilaah kale jirin nabibi Muxammedna "uu rasuulkii Ilaahay yahay ..!!
Halkiibuuna ku islaamay.
Kusali xabiibkeena SCW SCW
══════════════
Faafinta wanagu waa libanta dunida iyo akhiro

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.