Waxaan ka cabsanayaa in aan aad kuu jeclaado

 Waxaan ka cabsanayaa in aan aad kuu jeclaado oo aan hadana ku waayo oo aan rafaado, sidoo kale waxaan ka baqanayaa in aan ku jeclaan waayo oo aan lumiyo fursadda jaceylka, kana shallaayo.

Waxaan ku noolahay xaalad aan dheellitirnayn ilaa iyo goortaan ku bartay, noloshaydu waxay u socotaa si




toolmoon marka laga reebo qalbigayga oo ku sugan xaalad cakiran.
Marwalba waan ka cabsadaa anigu dhammaad-yada, maadaama aan caadeystay in aan waayo wax kasta oo aan jeclaado, sidaas darteed, fadlan ii sheeg; sidee ayaan kuu jeclaan karaa xanuun la'aan? sidoo kale sidee ayaanan kuu jeclaan karin anigoo aan shallaayin?
—Nizar Qabbani

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.