Faa'iidada sheekadan

 Dacow/dawac ayaa waydiiyay awr webiga dhankiisa kale taagan su,aal wuxuuna ku yidhi:- Meeqo ayay dhantahay mool-dheeraanta biyaha webigu? ? Awrkii ayaa jilibka ugu jawaabay. ? Dawacii/dacowgii waxuu ku boodday wabiga kadib biyihii ayaa qarqiyay/liqay. Waxa uu aad ugu dadaalay in uu madaxa biyaha ka soo saaro, dadaal iyo dhib badan ka dib, waxa u suuragashay in uu ku dul istaago dhagax webiga dhexdiisa ku yaalla. Markii uu neefta qaatay ayuu awrkii ku qayliyey isagoo leh: sow ma aadan dhihin biyuhu jilibka ayay gaadhayaan? awrkii ayaa wuxuu yidhi: Haa, waxay gaadhaan jilibkayga.

Faa'iidada sheekadan:

Marka aad qof kala tashato arrimaha noloshaada, waxa uu kuugu jawaabayaa hadba waayaha uu ka faa’iidaysto Badanaana waxay ku habboon tahay uun isaga oo keliya; Waxaa laga yaabaa inaysan ku habboonayn adiga, Ha u qaadan waaya-aragnimada dadka kale inay kuu noqdaan xal dhab ah, sababtoo ah way ku qarqin karaan.



Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.