Sidee loogu diyaargaroobaa imtixaanaadka?

 Sidee loogu diyaargaroobaa imtixaanaadka? 

Waxaan qiyaasayaa inteenna badan in aynu arday wada nahay, arday iskuul, kuwo jaamacadeed, ama macaahid kale, waxaan dhammaanteenna doonaynaa in aynu guul ka gaarno waxbarashada iyo guud ahaan nolosha. 


Waxaan jeclaystay in aan halkan ku soo qoro dhowr qodob oo aan u arkay in ay waxbadan ka baddali doonaan geeddiga ardaynimo iyo diyaargarowga imtixaannada dugsiyada, ama jaamacadaha. 

● Imtixaanka ka hor 

1. Waxaa muhiim ah in ardaygu hankiisu sarreeyo, meel wanaagsanna hiigsado. 

2. Xusuusnow in maskaxdaadu ay leedahay awood aan la qiyaasi karin, taas oo aad ku fakari karto, wax ku xifdin karto, ama ku xusuusan karto. 

3. Ma jiro wax adag oo aan la baran karin, waxaase jira dadaal darro iyo han yari ardayda qaar lasoo gudboonaata. 

4. Ku xirnaanshaha Alle, cibaabada, iyo salaadaha oo lagu dadaalo waxay sare u qaaddaa kalsoonnida nafeed ee qofka. 

5. Ka fogow dhafarka, iyo soo jeedka badan. 

6. Waa muhiim inaad soo toosto 30 daqiiqo kahor salaadda Subax, tuko labo rakacdood, kaddibna ducayso, ummadana u ducee. 

●Habeenka Imtixaanka 

1. Waxaa lagu taliyaa Cunto dheellitiran inaad cunto cashada, oo aad ka fogaato cunto dufanka ku badanyahay, ama cunto culus oo dhaawac gaarsiin karta hurdada ardayga. 

2. Waqti hore seexo, arday badan ayaa habeenkii isku daya in ay wax akhriyaan, arrintaasi waxay ardaygu ku keenaysaa in uu dareemo daal maskaxeed, iyo mid jireed, taas oo sababta in ardaygu soo tooso isagoo caajis ah oo aan gacan dhaqaajin karin, macluunaadka uu xifdiyayna ay isku qasmaan. 

3. Ka fogow welwelka, qaar badan oo kamid ah ardayda ayaa kalsoonnida ka lunta xilliga imtixaanaadka, wixii kuu qoran kuma gafayaan, Alle talosaaro, naftaada aammin oo ku kalsoonow, dadaal iyo juhdi samee adiguna. 

4. Iska ilaali adeegsiga waxyaabaha keeni kara dhafarka, sida kafeega, moobilka, ama tv-ga. 

● Maalinta imtixaanka.

1. Waqti hore soo toos.

2.  Cadayo oo weysayso.

3. Salaadda masjidka ku tuko, hana iloobin adkaarta subaxda, iyo xuska Alle.

4.  Ha ka tegin quraacda, wax badan bay ku anfacaysaa.

5.  Soo qaado buugga maaddada la gali doono, kaddib si kooban u akhri mowduucyada waaweyn ee imtixaanka lagu keeni karo.

6.  Waqti hore soo dhaqaaji, waa muhiim in aad soo baxdo waqtiga imtixaanka kahor, si aad u hesho waqti aad ku nasato.

7. Ha iloobin ducada la akhriyo marka guriga laga soo baxayo, waxay fure u tahay ducadan hawsha aad qabanayso

( بسم الله توكلت على الله ).

8.   Ha ku mashquulin wax aan imtixaanka ahayn.

9.   Kolka aad fariisato hoolka imtixaanka, Alle talosaaro, kalsoonina waa in ay kaa muuqataa. 

● Imtixaankii baa la galay 

1. Marka laguu dhiibo warqadda, ku billow bisinka, kaddib ku qor magacaaga, arday badan ayaa natiijo la'aan ku dhacda magacyadooda oo ay illoobaan awgeed.

2. Hal mar wada akhri dhammaan su'aalaha, kaddib raac tilmaamaha ku qoran warqadda.

3. Fahamka su'aashii waa jawaabta barkeeda, si fiican isaga xaqiiji su'aasha.

4. Ku billow su'aalaha kuu fudud in aad ka jawaabto, kaddib u soo laabo kuwa kugu adkaaday.

5. Waqtigaaga u qaybi daqiiqado, xoogga saar su'aalaha dhaadheer ee darajooyinka badan saaran.

6. Haddii ay kugu adkaato su'aal, ha sugin, goob u banee oo kasoco su'aalaha kalena ka shaqee ilaa aad ka soo xusoosato.

7. Dib u milicso jawaabahaaga inta aadan warqadda iska dhiibin, dib u eeg haddii ay jiraan su'aalo aad ilowday, ama warqad aadan arag hadday jirto.

8. Iska hagaaji farta iyo qaab-qoraalka,qaar badan oo ardayda kamid ah waxay darajooyin ku waayaan nidaam la'aanta warqadda ka muuqata.

9. Jawaab kasta waa in aad ku qortaa lambarka su'aasha ay wadato, si aan macallinku ugu wareerin.

10. Marka aad bilaabayso jawaabaha su'aalaha akhriso ducadan:

      (  رب اشرح لي صدري ويسر لي امري واحلل عقدة من لساني يفقهو قولي،  بسم الله الفتاح العليم، اللهم لا سهل إلا ما جعلته سهلا وانت تجعل الحزن إذا شئت سهلا يا ارحم الراحمين)

▪Fadlan la wadaag arday kasta oo imtixaan galaya si uusan I dareemin wax welwel ah.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.