Waxa jirta aragti guud oo La yidhaahdo 70 percent.

 70%

Waxa jirta aragti guud oo La yidhaahdo 70 percent......

Aragtidani waxay leedahay marka ugu horeysa ee aad La kulanto qof aanad hore u aqoon waxad malaynaysaa habdhaqanka qofka inuu wanaagsanyahay iyo inuu xunyahay 70% waana mala awaal ku abuur manaskaxda dadka.

Tusaale ahaan, haddii Macalin kuusoo galo fasalka ayna tahay markii ugu horeysay ardaydu waxbay ka malaysataan isaguna waxbuu ka maleeyaa...


Haddii macalinku isku qanciyo kuwani waa arday wanaagsan waxna waas udhigi karaysaa wuxu macalinkaasi noqdaa mid xiisadiisa udhiga sida ugu fiican ardayduna ay jecelyihiin isaguna ardaydiisa jecel.

Badi aragtidani waa been, tusaale ahaan qofbaa kula kulmaya markii ugu horeysay waxa niyadaada kusoo dhacay qofkani waamid xun lkn xaqiiqadu wayka duwantahay oo waxad wanaagiisa iyo xumaantiisa qofkaas sidhab ah u ogaanaysaa markaad isbarataan ee mudo isdhexgashaan somaliduna waxay ku maahmaahdaa 

"Barasho horteed haynicin"

Ugu dambayn:

Weligaa qofna haku xukumin aragtida koowaad iyo go’aanka ugu horeeya ee ay maskaxdaadu qaado.


share post     https://ayaanlegentle1.blogspot.com/

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.