Milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg sidoo kalena ah Bilyuneer da' yar, ayaa waxa uu dhalinyarada kula taliyay:
Inay xiriiro (dad) badan sameystaan si ay markaasi u guuleystaan, oo qofka uusan xoogga saarin howsha uu haayo oo keliya.
Guusha uu asiga Facebook ka gaarayne wuxuu tilmaamay inay tahay mid ka imaatay dadkii uu xiriirka la lahaa, iyo inuu dad & xiriiro sameysi waday inta uu Iskuulka ku jiray xataa.
Soomaalidana waxay dhahdaa:
Wax la beerto dadka ayaa ugu fiican.
Dad iyo asxaab wanaagsan hala sameysto, marwalba waa faa'iido dhan waxbarasho, dhan shaqo iyo dhan siyaasadba.
Maalin wanaagsan 😊