KHUDBADII KHUDBOOYINKA: Khudbadii u dambaysay ee uu Nabi Muxamed (NNKH

 KHUDBADII KHUDBOOYINKA: Khudbadii u dambaysay ee uu Nabi Muxamed (NNKH) ka jeediyay Banka Carafa sagaalkii (9) bisha xurmaysan ee Eebbe ee Dul Xijah.


Sanadkii tobnaad (10) ee Hijriyada ayay ahayd markii uu Rasuulkeennii suubbanaa (NNKH) uu aadamiga oo dhan uu jeediyay khudbad ay mudan tahay in qof walba muslim ah ama aan muslim ahaynba ay akhriyaan. Waxay ahayd xajkiisii ugu horeeyay uguna dambeeyay ee rasuulku soo guto. Waxaynu oghayay in Nabi Muxamed (NNKH) uu afar jeer soo cumraystay, ha yeeshee uu hal mar kaliya soo gutay waajibaadka xajka.



Khudbadii uu Rasuulku maalintaas jeediyay waxay ahayd, fatriin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii uu Rasuulku maalintaas sheegay. Waxaad halkan hoose ka heli doontaa khudbadii oo uu qof walaalaha ka mid ihi Af Soomaali u tarjumay - Eebbe abaal tiro badan ha ka siiyee.


 FADLAN MARKII AAD AKHRISO SII GUDBI.


'' Dadyohow i dhegaysta, ma garanayo in sanadkaan ka dib aan mar dambe halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraaddeed si fiican u dhegaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan. 


Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada in aad dhabtii abuurihiinna (rabbi) la kulmi doontaan, camalladiinnana laydinka xisaabin doono, haddaba digtoonaada. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinnu, waa idinka xaaraansan yahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iska lahaa. Ribbo (Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faa’iidadiinna idinkaa iska leh. 


Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee. Ha iska aargoosanina, Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed. 


Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta. 


Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad, ka bixi hantidaadda sakada, soo gudo waajibaadka xajka hadii aad awoodid.


Bini Aadamka oo dhammi waxay ka yimaadeen Aadam iyo Xaawo, Carabtu kama sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna kama sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi kama sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina kama sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina. 


Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo.


Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaa daraadeed si fiican u dhuuxa warkayga, waxaan idiinka tegay laba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan. Intiinnna i dhegaysanaysaay warkayga u sii gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.


Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soo degay oo ay ka mid ahayd:


 (الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا 


“Maanta ayaan idiin dhamaystiray diintiinna, waxaanan ku ebyay korkiina barwaaqadayda, Islaamka ayaanan diin ahaan idiin oggolaaday.”


Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo codka kor u qaadaya wuxuu yiri ''Eebboow ka markhaati noqo in aan fariintaadii u gudbiyay dadkaaga.


Maalintaan Carafa ee barakaysan darteed, la wadaag qoraalkaan asxaabtaada kale, dhammaanteenna aynu is cafino.


~Adam Aw Xirsi.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.