Cumar (Allaha ka raalli noqdee) markii la tooriyeeyay, caano aya loo keenay wuu cabbay, caanihiina dhinaciisii ​​ayay ka soo daateen.. Dhaqtarkii ayaa ku yiri: amiirkii Mu'miniintoow, Waxay ubadantahay in adan dhaawacan ka kacaynin

 Cumar (Allaha ka raalli noqdee) markii la tooriyeeyay, caano aya loo keenay wuu cabbay, caanihiina dhinaciisii ​​ayay ka soo daateen.. Dhaqtarkii ayaa ku yiri: amiirkii Mu'miniintoow, Waxay ubadantahay in adan dhaawacan ka kacaynin

😭
Sayidinaa Cumar (AR) Wuxuu u yeeray wiilkiisii ​​Cabdullaahi, wuxuuna ku yiri: ii keen Xudeyfah bin Al-Yaman...
Xudeyfah oo ah saxaabigii uu Rasuulku (scw) u dhiibay Liis ay ku qoran yihiin magacyada munaafiqiinta.
Cumar Allaha karaali noqdee oo dhiig dhinaciisa ka dadaanaya ayaa yiri: Xudeyfah bin Al-Yamanoow, Eebbe, ayan kugu dhaariyay ee Rasuulku ma wuxuu magacayga ku sheegay liiska munaafiqiinta...?
Xudeyfah wuu aamusay, indhihiisana ilmo ayaa ka soo qubatay, wuxuuna yiri: sideen kugu sheegaa sir laygu aaminay Cumarow.
Wuxuu yiri:- Illahay baan kugu dhaariye ii sheeg, Rasuulku (scw) ma wuxuu magacayga ku sheegay dhexdooda...??
Xudeyfah oo ooyaya ayaa yiri:
Illahay baan ku dhaartaye magacaaga iima sheegin
Cumar (RC) ayaa ku yiri wiilkiisa Cabdullaahi:
hal shay ayaa iigu haray aduunka??
Wuxuu ku yiri, waa maxay aabbe?
Wuxuu yiri: In laygu aaso Rasuulka Alle agtiisa
Wiilkeygiyoow u tag Hooyadii Mu’miniinta Caaisha, hana dhihin Amiirul Mu’miniin, ee waxaad ku tiraahdaa Cumar wuxu kuyiri adigaa guriga leh, waxan ku waydiisanayaa in ad ii fasaxdo in Laygu aasso rasuulka agtiisa Caaisha Allaha karaali noqdee waxay tiri: marki hore aniga aya isugu tala galay booskan utag Cumar waxad ku tirahdaa caaisha way ogolaatay in lagugu aaso gurigeeda.
Cabdullaahi isagoo faraxsan ayuu soo laabtay, wuxuuna yiri: Aabe, waa lagu idmay.
markaas ayuu arkay dhabankii Cumar oo carrada (boorka) yaala Cabdullaahi waa fariistay wuxu kor usoo qaaday madaxa aabihiis bowdada ayuuna saaray. Sayidina Cumar (AR) waxa uu eegay wiilkiisa oo uu ku yiri: maxad Dhabankayga uga qaaday boorka?
Wuxuu yiri: Dhabannada aabbahaa u saar carrada si uu wejigiisa u booroobo hoog wuxuu u sugnaaday Cumar hadduusan Eebbe u dambi dhaafin berrito.
wiilkiisa ayuu la dar daarmay wuxuuna yiri: Marka an dhinto kadib iiqaad masjidka Rasuulka oo igu tukada u fiirso Xudeyfa, in uu janazadayda kasoo qaybgalayo, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in uu iga xishooday oo an kujiro liiska munaafiqiinta. haddii uu Xudeyfa ii duceeyo. Ii qaada
Jihada gurigii Rasuulka SCW
Aqalka Caaisha ihor dhiga, gala oo ogalaansha iiweydiiya markale hana ku dhihina amiirkii mu'miniinta ee waxad kutirahdaan wiilkaagi cumar aya albaabka yaala ee masoo galinaa hadi ay diido iqaada oo igu aassa qubuuraha muslimiinta.
Waxay dhaheen hooyo maydkii cumar aya albaabka yaala ee masoogalinaa wuxu doonayaa in labadiisa sxb agtooda lagu aasso waxay tiri haa soo galiya, intuu caafimaadka qabayna wuu iweydiistay hadana wan u ogolaaday Cumar Allaha karaali noqdee waxa lagu Garab aassay saaxibadiis agtooda Rasuulka N.N.K.H Iyo abuubakar (AR)
Magaalada madiina qof majoogin ilaa Cumar RC waa u ooyay maalintaas. Waxa loo malaynayay in uu marlabaàd Nabi Muxammed scw Aduunyada ka dhintay.
Cumar allaha karaali noqdee cadaalad ayuu ku camiray adduunyada.
✍Kibla

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.