Waxbarashada dunida seddexaa



Waxbarashada dunida seddexaad (Africa ) waxay ku dhisantahay qaab la yaab leh:
Ardayda heerka kowaad (A Grade) waxay aadayaan inay bartaan injineer iyo dhakhtarnimo
Kuwa heerka labaad (B Grade) waxay aadayaan inay bartaan maamulka iyo maareynta ganacsiga,waxay maamulayaanna kuwa heerka kowaad
Kuwa heerka sedaxaad ( C Grade) waxay aadayan inay bartaan siyaasada waxayna xukumayaan ardaydi heerka kowaad iyo kuwii heerka labaadba
.!
Ardaydii iskuulka ka hadheyna (Failure students) waxay ku biiraan Ciidanka noocyadiisa kala duwan,waxayna xukumayaan siyaasiyiinta oo Af-gambi ayay ku qabsanayaan dalkii ama way dilayaan qofka aaney rabin.
Waxa taa kasii daran , kuwa weligood aan iskuul iyo waxbarasho tegin ayaa waxay noqonayaan odayaasha qabiilka kadibna dadkoo dhan iyagay ka amar qaadanayaan..

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.