HADII AAN SII OGAAN LAHAA, ISMAAN HAWLEEN.

 HADII AAN SII OGAAN LAHAA, ISMAAN HAWLEEN. 


Waxa ay ku siinayaan wax badan oo noloshooda muhiim u ah, waxa ay ku gaynayaan meel aad u sarraysa, waxa ay kuu muujinayaan in aad tahay fursaddii ugu qaalisanayd oo ay heleen, waxa ay kaa dhaadhicinayaan in aad iyaga u gaar tahay. Waxa aad ilaawaysaa in ay is beddeli karaan, dhiman karaan ama kaa dheeraan karaan. Waxa aad u aaminaysaa aaminad aysan ka dambayn shaki iyo malo xumo. Marnaba isma lihid wixii laguu sheegay baa qabyoobi, qalbigaaguna waxa uu naawilayaa hanashada hummaaggii laguu sawiray. 

Ma ilowsanid in calaf, nasiib iyo qaddarba wax baajin karaan, se waxaa kuu muuqda in aadan dedaalkaaga wax ku waayi doonin. Haa dedaalka iyo daacadnimadaada ayaa aad ku kalsoontahay, waliba si xooggan oo xamaasadi ku dheehan tahay. Waxa aad ku bixisay waxkasta oo aad awoodday, heer aad dunidaadiiba u hibaysay noolahan mucjisada ah ee laguu soo diray. Waxa aad macaansanaysaa muuqiisa, maqalkiisa iyo miida ereyadii mugga iyo miisaanka lahaa ee buux dhaafiyay xasuus kaydiyahaaga. Waxa aad galaysaa mowjado iyo hirar aad mooddo in adiga lagugu maamuusay, mar baabad is moodaa caruus loo camiray hoy qurxoon oo la dhahay hawshaada qabso, calashaan hawada iyo xamaasada nololeed ee ku haysa.


Markasta waxaa kuu taagan calan aad mooddo in aysan ciidda is arki doonin (dhulka kaaga dhici doonan), waxaase lama-filaan iyo lama arkaanba kugu noqonaya in qofkii sidaa aad u naawilaysaa ee kaaga sawirnaa dunida guudkeeda oo mar qudha ku yidhaa; waxa aan rabaa in xidhiidhkeennu halkaa ku ekaado (ku dhamaado) , iga raalli noqo, ma rabi in aan sidaa yeelo se maan gaadhin hadafkii, ma helin sidaan rabay, ma moodeen sidaan iyo ma isii wadi karo howshan. Waa yaab iyo amakaage! Adiga oo is lahaa waa hadma meherkiinna haddaad maqasho erayadaa sow maroora dilaac iyo qalbi jab💔 maaha?.


Haa wallaahi waa miyir beel iyo maqal aan kuu wanaagsanayn. Taasi waaba macno la yaqaane bal ka warran kan iska tagaya isaga oo aanba ku wargalin adigana aad masuugsan tahay maqnaashihiisa, muddo kaddibna aad ku baraarugto in aanu kuu soo socan ee uu saadaal cusub sii abuurtay.😭 Iga tag waxba isma dhaamaane waase dhib wada jira, Alla cadawsanaayaa oo miyaanu habeen qudha is tusin wixii qiimo aan dartii u qubay, wixii aan qalbi dartii u rejo tiray, waxa aan qorshe aawgii uga tanaasulay iyo waxa aan qarash u huray la kulankiisa.? Waa adduun iyo macnihiisee ma waysay waxaad ku jawaabto, mana haleeli wayday hadalba nuxurkiisa. Koleey waa ma dhaafaane ma ciishay naftaada, oo ma ka qoomamootay wixii aad masuuliyad isa saartay. Waa murug sideedaaye ilaa iyo maalinkii aad aqbashay xasuusteedii daqiiqad daqiiqad ma ugu laabatay?, waa halis aan maciin lahayne ma u oyday sidii in malaggaagii galay?. 

Dhacdaye, se waxa aan kuu sheegayaa,

Dhibta laguma waaroo,

Dhaxal looma yeeshee 

Waa laga dhamaadaa. 

Ilmadu ma masaxdo murugada, ee waxa ay muujisaa tabashada qalbiga iyo la tacaalidda uu mudan yahay. Ma moogi wixii dhacay iyo maalmihii cakirnaa.

Intaasoo marxaladood anigaa u marqaati ah, waana xanuun iyo xaalado maalinle u dhaca. Oo ay wadaagaan go'aanka isku soo biiridda iyo isla waddidda xidhiidhka, se ma wadaagaan go'aanka kala tagista iyo kala tanaasulka xilligga uu mudan yahay. Waxba ma tarto raalligalintu iyo runta qadhaadh ee la alifo kaddib toogashada, walow aan ogahay in aysan jirin wax bilaa sabab dhaca. Aadbeey u wacnaan lahayd in aan la isku fogaan si aan loo kala fogaan. Qaddarka lama diidana ee qorshe la'aanta iyo qaab xumada aad ku qanacsanaatahay, waxa kuu gaarka ahi waa dilaa iyo dullaysiye qofkii shalay ku doonaayay ma ku dhimatay gacantiisa.?😭

Alle ka cabsada oo haku ciyaarinina dareennada idin aaminay adinka oo raacanaya dano idiin gaar ah. 

Nabsigu meel ma jiro xitaa haddii uu kaasoo daaho, wax daacadnimo ka wacan oo duni lagu dhaqaana ma jirto ee is dawaysta fadlan.


Qofkasta oo dhaawacmay waxa aan ugu ducaynayaa in Alle ugu deeqo daawadii uu mudnaa, kuwa wax dullaystayna Alle ha tuso xaqa iyo xuquuqda lagu lee yahay.


QALBIYADA ALLE HA INOO XAFIDO.🤲🤲


#WABILAAHI_TAWFIIQ

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.