Dhallinta maanta wax yaabaha xanaaqa & dulqaad yarida u keena…

 Dhallinta maanta wax yaabaha xanaaqa & dulqaad yarida u keena…

Casri weliba cilladiisu leeyahay, marxalad kasta madax xanuun bay wadataa, waqti kasta waayihiisa & wareer baa la socda. Waxyaabo aad u yar ayaa maanta dadka ka careysiiya, dulqaad yarina u keena. Qeyb ka mid ah waa kuwan hoos ku xusan:

1. Internet-ka oo culays ku noqda

2. War in laga sheego, la xanto

3. Battery-ga oo Mobile-ka ka dhaca

4. Wadada oo Jaam ku noqota

5. Albaab laga furi waayo laba jeer markey garaacaan. In badan waa sii wacaan intaysan garaacin “Albaabka iga fura”

6. Ballan loo gooyo

7. Suuliga haduu qof intuu kaga hor maro ku daaho

8. Compuer-ka inta uu soo kacayo ama download inta uu dhamaanayo

9. Fariin qoraaleed ay cid ku sheekaysanayeen hadii dhinaca kale la daaho qoraalka

10. Mobile-ka oo qofkuu wacay ka qaban waayo

11. Koox uu taageero haddii laga badiyo

12. Qabiilkiisa ama Mas’uul ay qaraabo yihiin haddii wax laga sheego

13. Mukhaayad uu cunto ka dalbaday oo ka daahda ama la yiraahdo waa la karinayaa sug.

Ku dar Liiska wixi kale aad garaneyso.

Qoraa: سعيد بن جعل 

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.