Dhibic malab ah ayaa dhulka kusoo dhacday,

 Dhibic malab ah ayaa dhulka kusoo dhacday, Qudhaanjo aya aragtay oo dhadhamisay, markay ogatay in waxani Malab yahay ayay ka dhaqaaqday si ay asxaabteedii kale ugu yeedho, hase ahaatee macaankii ayay ka tegi kari weydey, way dhadhamisay mar kale hadana mar kale ilaa ay gudaha u gashay malabkii.



Marki ay ka dheregtay ayay damacday in ay ka dhex baxdo malabka hase ahaatee way awoodi weydey oo malabki aya sida xabagta ugu dhegey sidaas ayayna ku dhimatay.
Waxa la sheegaa in dunidu tahay sida dhibic weeyn oo malab ah, waxay leedahay macaan aan lasoo koobi karin. Qofka dhadhamiya kaliya ee ka dhaqaaqa waa uu badbaadayaa, midka dhex gala, quusa ee ku dhex milma badweynteedana wuu halaagsamayaa sida qudhaanjadaasi u halaagsantay oo kale.
Rabbiyow aduunkan haka yeelin yoolkayaga ugu weyn, hana nagu sallidin mid aan noo naxariisan jannadana ka yeel hoygayaga.🤲♥️

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.